7 important steps that educators, school staff, and school districts can take to expand the mental health workforce in schools for children and young people.
FREE
All Audiences | |
---|---|
Category Type | |
Creator | |
License | |
Partnership Affiliation | Miami University of Ohio, Ohio Department of Mental Health and Addiction Services |
All Audiences | |
---|---|
Category Type | |
Creator | |
License | |
Partnership Affiliation | Miami University of Ohio, Ohio Department of Mental Health and Addiction Services |
Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.
Saamaynta Qadka Badbaadinta Nolosha ee 988 iyo Muhiim Baa Tahay PSA waa laba fiidiyo oo ku jiro Uruurinta Qalabka Wada-Hawlgalaha SAMHSA ee 988 oo la wadaagi karo sifo loo kordhiyo ogaanshaha Qadka Badbaadinta Nolosha ee 988 Lifeline iyo ahmiyadda ay leedahay la xiriirka dadka kale.
Hoggaamiyeyaasha diineed ayaa u doodi karaan caafimaadka maskaxda, gaar ahaanna bulshooyinka raasumaalka la’aanta dhexdooda. Sifo loo abaabulo bay’adaha nabadgeliyada leh oo na furan, hogaamiyeyaasha waa inay caadi ka dhigaan wada hadalada khuseeyo isdilka iyo inay taageeraan da’ yarta iyadoon loo eegin ra’yida horaan sii jirtay oo ku saabsan isdilka, dooqa galmada, ama aqoonsiga jinsiyadeed. Tallaabada xigta ayaa laga qaadi karaa sifo loga caawiyo da’ yarta oo dhibaatoonaayo. Marka koowaad, weydii sidey dareemayaan, dhageyso, ka dib na tilmaan isbeddelka dabeecadda. Toos u weydii inay ka fakireen inay isdilaan. Usheeg inay keligood ahayn sidoo kale na sii iyaga iyo waalidiintooda raasumaalka iyo talo bixinta faa’idada leh. Hadday surogal tahay, ka kormeer kuwa dhibaatoonaayo oo na bixi taageerahaada socdo.
Baahiyaalka iyo Awoodaha Cunuga iyo Dhalinka (CANS) waa qalab baaritaan loo abaabulay adeegyada ilmaha waa na mid waalidiinta iyo dhaqaatirta ay u jecel yihiin fudeydkiisa iyo u habboonsanaantiisa. CANS waxay ka kooban yihiin lix qayb: waxqabadka nololeed, awoodaha, qodobada dhaqanka, raasumaalka, iyo baahiyaalka daryeelaha, baahiyaalka dabeecadda iyo bulsho, iyo dabeecadaha halista ah. Su’aalaha baahida iyo xoogaga waxaa lagu darajeeyey miisaanka 0-3. Dhanka su’aalaha baahida, darajaynta 0 waxay sheegeysaa inuu hadda baahi u jirin tallaabo qaad, 1 micneheeda baahi ayaa la aqoonsaday oo u baahan ka kormeer, 2 waxay soo saaraysaa in baahida la aqoonsaday ay carqaladayso waxqabadka iyo tallaabo qaad degdeg loo baahan yahay sifo wax loga qabto, iyo 3 waxay ogeysiineysaa in baahi tahay mid awood tiraysa oo na tallaabo qaad degdeg ah u baahan. Su’aalaha xoogaga, darajaynta 0 waxay sheegeysaa inay tahay awood aasaasi oo si fiican u kobocsan oo loo isticmaali karo qorshaha tallaabo qaadka. 1 inuu yahay awood faa’ido leh oo lagu dul dhisi karo, 2 nwaxay u baahan tahay dadaalka xoojinta inta lagu adeegsanin qorsho dhexdeeda, 3 na waxay muujinaysaa inuu jirin awood la aqoonsaday hadda.
https://praedfoundation.org/tcom/tcom-tools/the-child-and-adolescent-needs-and-strengths-cans/
Qalabka Qiimeynta Dhibaatada (CAT) waa hab qiimeyn logu isticmaalo ilmaha wajahayaan dhibaato noloshooda halis gelineysa. CAT waa qalab loo isticmaalo taageerida go’aanka iyo wax ka qabadka natiijooyinka marxaladaha dhibta. Qaybaha CAT maxaa ka mid ah dabeecadaha halista leh, baahiyaalka dabeecadda iyo dareeneed, baahiyaalka hawl qabadka, cadaaladda ilmaha yar, ilaalinta iyo xogta iyo baahiyaalka daryeelaha. Su’aalaha waxay isticmaalaan nidaamka darajaynta 4ta heer. 0 micneheeda waxaa waaye wax tallaabo loo ma baahno, 1 waxay soo saaraysaa baahida shardi yeeleyso in laga kormeero, 2 waxay aqoonsanaysaa jiritaanka baahi ka dhexgalayso oo u baahan tallaabo qaad, iyo 3 ayaa sheegeysaa in baahida tahay mid awood tirayso sidoo kale na tallaabo qaad isla markiiba u baahan. Su’aalaha qiimeynta waxaa ku jiraan su’aalo khuseeyo isticmaalka xad dhaafka ee maandooriyeyaasha. CAT wuxuu isticmaalaa su’aal weydiin oo khuseyso 30-maalmood sifo loo xaqiijiyo in jawaabta dhalin yarta tahay mid ku habboon xaaladaha hadda.
https://praedfoundation.org/tcom/tcom-tools/crisis-assessment-tool-cat/
Reviews
There are no reviews yet.