Search
Cart $0
0
0
Subtotal: $0
No products in the cart.

Somali – Alcohol Screening and Brief Intervention for Youth

Baaritaanka loo yaqaano Baaritaanka & Ka Dhex Galka Mudada Gaaban ee Qamriga (SBIRT) wuxuu soo saari karaa halista xilli hore, waa baaritaan ku salaysan waayo aragnimo, waa na mid si degdeg ah lagu samayn karo. Su’aalaha waxaa lagu weydiin karaa baaritaanka sanadlaha, booqashada daawaynta culus, ama waaxda xaaladda degdegta ee isbitaalka. SBIRT waxay sidoo kale qayb ka noqon kartaa baaritaanada sanadlaha ee goobta dugsi.

FREE

Description

Machadka Qaran ee Isticmaalka Xad Dhaafka ee Qamriga (NIAAA) ayaa abaabulay qalab lagu aqoonsado dhalinta da’dooda u dhexeysa 9-18 ee halista ugu jira dhibaatada qamriga la xiriirta. Baaritaanka loo yaqaano Baaritaanka & Ka Dhex Galka Mudada Gaaban ee Qamriga (SBIRT) wuxuu soo saari karaa halista xilli hore, waa baaritaan ku salaysan waayo aragnimo, waa na mid si degdeg ah lagu samayn karo. Su’aalaha waxaa lagu weydiin karaa baaritaanka sanadlaha, booqashada daawaynta culus, ama waaxda xaaladda degdegta ee isbitaalka. SBIRT ayaa sidoo kale loo isticmaali karaa bukaanta oo aad goor dhaw arkin, bukaanta leh xaaladaha la xiriira halista sareysa ee isticmaalka xad dhaafka ee maandooriyeyaalka, dhibaatada caafimaadka oo qamriga la xiriira, ama ay ka muuqato isbeddel badan dabeecadeed. Markii loo eego bukaanta da’da yar, waxaad ka bilowdaa inaad bukaanka weydiiso in asxaabtiisa qamriga cabbaan. Maadaamo ka gudubka dugsiga dhexe iyo u gudubka dugsiga sare uu kordhiyo halista qamri cabka da’da yar, dooro su’aalo oo la xiriiro heerka fasal ee bukaanka. Iyadoo u dheer isticmaalka isbitaalada, dugsiyaalka ayaa sidoo kale isticmaali karaan SBIRT.
So dejiso buug hagaha sifo aad uga hesho faahfaahin ku saabsan qaabka loo isticmaalo SBIRT. Tusaale ahaan, waxaa laguusoo jeedinayaa inaad isticmaasho istraatijiyada wareysiga dhiiri gelinta. Afarta mabadi’ aasaasiga ee wareysiga dhiiri gelinta waxay kala yihiin muujinta fahanka dhibta, abaabulka farqiga, aqbalitaanka ra’yiga bukaanka, iyo taageeridda isu filnaanshaha.

Maclumaadka No Wrong Door Marketplace waxaa soo xushaa Ohio School-Based Center of Excellence for Prevention & Early Intervention (Xaruunta Heer Saraynta Dugsiga ku Salaysan ee Ohio ee Ka Hortagga & Wax Ka Qabadka Hore). 513-529-2450

Additional Information

Additional information

Reviews

There are no reviews yet.

Only logged in customers who have purchased this product may leave a review.

Related Products