Description
Qalabka Qiimeynta Dhibaatada (CAT) waa hab qiimeyn logu ee kuu ogolaanayso la isgaarsiinta degdegta oo na joogtada inaad la yeelatid ilmaha wajahayaan carqaladaynta noloshooda halis gelineysa oo khuseyso sammaantooda ama nabadgeliyada bulshadda. Qiimeynta maxaa logu talagalay inay noqoto taageeraha go’aaminta iyo wax ka qabadka natiijada bay’adaha dhibta. CAT aasaas ahaan waxaa loo isticmaalaa kooxaha ka falcelinta carqaladaynta iyo in lagu taageero go’aamaha khuseeyo qofka in loo jiifiyo isbitaalka xanuun maskax awgeed. Waxaa logu talagalay inay buuxiyaan dadka si toos ah ula shaqeeyo dhalin yarta.
Su’aalaha qiimeynta CAT waxaa loo doortay maadaamo ay ku habboon yihiin qorsheynta daawaynta iyo waxay sidoo kale ku hoggaamin karaan wadooyinka kala duwan ee qorsheynta. Qaybaha CAT maxaa ka mid ah dabeecadaha halista leh, baahiyaalka dabeecadda iyo dareeneed, baahiyaalka hawl qabadka, cadaaladda ilmaha yar, ilaalinta iyo xogta iyo baahiyaalka daryeelaha. Su’aalaha waxay isticmaalaan nidaamka darajaynta 4ta heer, iyo heerarka ayaa ku qasban inay tilmaamaan, ma na aha cunuga adeegyada helaayo. Darajaynta 0 waxay muujinaysaa in wax tallaabo loo baahnayn mudaddan la joogo, iyo 1 waxay aqoonsanaysaa baahi u baahan ka kormeerka ama tallaabada ka hor istaaga. 2 waxay soo saaraysaa baahi ka dhexgalayso waxqabadka iyo tallaabo qaad loga baahan yahay sifo wax loga qabto baahida. Darajaynta ugu sarreyso oo ah 3 waxay muujinaysaa baahida tahay mid awood tirayso sidoo kale na tallaabo qaad isla markiiba oo culus u baahan.
Markii la isticmaalaayo qiimeynta CAT, muddo 30-maalmood ayaa xaqiijisaa in darajaynta ku habboon tahay marxaladda hadda ee qofka da’da yar, laakin heerarka tallaabo ayaa ka badan karaan 30ka maalmood. Su’aalaha qiimeynta waxaa ka mid ah su’aalo ku saabsan isticmaalka xad dhaafka ee maandooriyeyaasha. Jawaabta su’aalahan ayaa soo jeedin karaan jiritaanka surogalka ee carqaladaynta ka timaaday isticmaalka xad dhaafka ee maado kale ama in dhalin yarta ka muuqato dabeecado ay sababeen arimmo si wadajir ah loo yaqaano. Su’aalahan logu ma talagalin in lagu ogaado jiritaanka carqaladayn laakin in lagu ogeysiiyo dhaqaatirta saamaynta isticmaalka maandooriyeyaasha ku leedahay dhibaatada.
Maclumaadka No Wrong Door Marketplace waxaa soo xushaa Ohio School-Based Center of Excellence for Prevention & Early Intervention (Xaruunta Heer Saraynta Dugsiga ku Salaysan ee Ohio ee Ka Hortagga & Wax Ka Qabadka Hore). 513-529-2450
Reviews
There are no reviews yet.