Description
Bulshooyinka diimeed ayaa noqon karaan xaruumaha ka hortagga isdilka hagitaanka iimaaneed iyo xiriirkooda bulshadeed awgeed. Hoggaamiyeyaasha diineed ayaa u doodi karaan caafimaadka maskaxda bulshooyinka tuulooyinka oo raasumaalka caafimaadka maskaxda xadidan leh. Waxay horumarin karaan ogaanshaha caafimaadka maskaxda, halista isdilka, iyo inay abaabulaan bay’ado nabadgeliyo leh ay xubneyaalka caawin ka heli karaan. Dhalinta ayaa ka faa’idi karaan bulshada diineed, iyo xubneyaalka da’ yarta ee ka qayb qaadato hawsha diinta ku salaysan ayaa laga yaabaa inay leeyihiin heerarka hoose ee fakirka isdilka. Laakin, bulshooyinka dhan ma aqbalaan caqabadaha caafimaadka maskaxda. Ceebeynta isdilka waa arrin ku badan bulshooyin diineed qaar kuwaasoo tixgelinin dhalinta wajahayso fikradaha inay isdilaan.
Sifo loo abaabulo bay’adaha nabadgeliyada u leh dhalin yarta, hogaamiyeyaasha diineed waa inay caadi ka dhigaan wada hadalada khuseeyo ka hortagga isdilka. Sidoo kale, xubneyaalka diineed ayaa mudan inay taageeraan dhalinta dhan iyadoon loo eegin fikradaha isdilka, dooqa galmada, ama aqoonsiga jinsiyadeed. Waa muhiim in la fahmo calaamadaha qofka ka fakiraayo isdilka. Hadduu qofka da’ yarta ka hadlo qorsheynta isu dayga isdilka, uu muujiyo rajo la’aanta, ama dhibaatada dareeneed, waxaa dhici kartaa inay halis ku jiraan.
Sifo loo caawiyo dhalinta iyo loo kaalmeeyo dadka uu qof iska dilay, hogaamiyeyaasha diineed ayaa qaadi karaan tallaabooyinka xiga. Ugu horreynta, la xiriir qofka dhibaatada ku jiro, weydii sidey dareemayaan, si fiican u dhageyso adigoo xukmin, u muuji inaad daryeeleyso. Tilmaan mararka aad dareentey isbeddelka dabeecaddooda; si gaar ahaan u sheeg mararkan, iyo walaac u muuji. Toos u weydii inay ka fakirayaan inay isdilaan. Wada hadalkan wuxuu ka caawin dadka inay dareemaan in la arkaayo oo na la daryeelaayo dhibaatadooda caafimaadka maskaxda.
Taageeraha ka kormeerka ayaa aad muhiim ugu ah dadka ka hadlo dhibaatadooda. Usheeg dadka inay keligood ahayn iyo u bandhig siyaabaha aad taageero ku siiso. Hoggaamiyeyaasha diineed ayaa mudan inay ku dhiiri geliyaan da’ yarta iyo waalidiintooda inay arkaan xirfadlaha caafimaadka maskaxda isla markiiba iyo aqoonsadaan taageeraha bulshadeed sida kooxaha dhalinta. Hogaamiyeyaasha ayaa sidoo kale bixin karaan lambarada lagasoo wici karoo dhibta markuu qofka dareemaayo ee 24/7 shaqeeya sida sida loo waco Lambarka Badbaadada Nafta ee 988. Ka kormeer dadka yar iyo dadka wayn oo daryeelaayo sifo aad ula wadaagto taageerahaada socdo inta lagu jiro xiliyada dhibaatada. Soo deji buug hagahan hogaamiyaha diinta ku salaysan sifo aad u hesho maclumaad dheeraad iyo kula wadaagto shaqaalaha:
https://www.hhs.gov/sites/default/files/hope-guide-faith-leaders-help-prevent-youth-suicide.pdf
Maclumaadka No Wrong Door Marketplace waxaa soo xushaa Ohio School-Based Center of Excellence for Prevention & Early Intervention (Xaruunta Heer Saraynta Dugsiga ku Salaysan ee Ohio ee Ka Hortagga & Wax Ka Qabadka Hore). 513-529-2450
Reviews
There are no reviews yet.