Description
Ka maqnaanshaha dugsiga ardayda ayaa korodhay siduu u dhacay cabuuqa COVID-19. Markii loo eego ardayda fasalka siddeedaad, ka maqnaanshaha dugsi ayaa ka kacay boqolkiiba 8% ilaa 17% intii u dhexeysay 2019 iyo 2022. Falaanqaynta xogta intii u dhexeysay 2019 iyo 2022 ayaa muujinaysaa xiriir cad ee ka dhexeeya kororka maqnaanshaha dugsiga ardayda iyo hoos u dhaca natiijooyinka National Assessment of Educational Progress (Qiimeynta Qaran ee Horumarka Waxbarashadeed) (NAEP). Ka maqnaanshaha dugsiga ayaa ku kordhay ardayda fasalka 4aad iyo 8aad markii loo eego dimuqraafiga sida jinsiyadda, midibka, iyo nooca dugsiyeed.
Intuu cabuuqa bilowday, ka maqnaanshaha dugsi oo caadada ah ayaa lagu qiyaasay inuu labo jabbaar noqday sida ay sheegtay Attendance Works. Intaasi waxaa dheer, cilmi baaris ka socoto National Center for Education Statistics (Xaruunta Qaran ee Xogta Waxbarasho) (NCES) ayaa soo saartay in afar meeloodkiiba saddex ee dugsiyaalka dadweyne ay ka warbixiyeen koror xagga ka maqnaanshaha dugsi oo caadada ah ka bilaabato COVID-19 horteeda. Qoysaska, dugsiyaalka, iyo ardayda ayaa ka wada shaqayn karaan habka lagu wanaajin lahaa soo xaadiritaanka dugsiga. Ka eeg bogga internet-ka Attendance Works qoraalada yar, fiidiyaha, iyo istraatiijiyada aad dhaqan gelin karto sifo aad u kordhiso xaadiritaankaada dugsiga.
Maclumaadka No Wrong Door Marketplace waxaa soo xushaa Ohio School-Based Center of Excellence for Prevention & Early Intervention (Xaruunta Heer Saraynta Dugsiga ku Salaysan ee Ohio ee Ka Hortagga & Wax Ka Qabadka Hore). 513-529-2450
Reviews
There are no reviews yet.