Description
Baahiyaalka iyo Awoodaha Cunuga iyo Dhalinka (CANS) waa qalab qiimeyneed loo abaabulay adeegyada ilmaha sifo loo taageero go’aan gaarista, loo fududeeyo isu dayga wanaajinta tayada, iyo in loo ogolaado ka kormeerka natiijada adeegyada. Qalabka waxaa loo abaabulay qaab isgaarsiin sifo la isugu xiro geedi socodka qiimeynta xagga dejinta qorshooyinka adeegyada shakhsi. Waalidiinta iyo dhaqaatirta ayaa door bidaan CANS maadaamo ay yihiin kuwo si fudud loo fahmo oo na u baahnayn dhibco sifo ay u fahmaan dhalinta iyo qoysaska. Su’aal walba oo ku taalo qalabka qiimeynta waxay soo jeedineysaa wadooyin kala duwan ee u qorsheynta adeega.
CANS waxay ka kooban tahay lix qaybood, su’aal walba na waxaa lagu darajeeyaa 0-3. Qaybaha waxaa ka mid ah waxqabadka nololeed, xoogaga, qodobada dhaqanka, raasumaalka, iyo baahiyaalka daryeelaha, baahiyaalka dabeecadda iyo bulsho, iyo dabeecadaha halista ah. Markii la eego su’aalaha baahida, darajaynta 0 waxay sheegeysaa inuu hadda baahi u jirin tallaabo qaad ama ka dhexgal. 1 micneheeda baahi ayaa la aqoonsaday oo u baahan ka kormeer, sugitaan, ama tallaabo ka hortag. Dhibicda 2 waxay soo saaraysaa in tallaabo loo baahan yahay sifo loo xaqiijiyo in baahida la aqoonsaday ay carqaladayso waxqabadka oo na wax laga qabto. Natiijada ugu sarreysa saddexdaasi waxay sheegeysaa in baahida tahay mid halis ah oo na u baahan tallaabada isla markiiba oo na culus.
Su’aalaha heerarka tallaabo qaadka ayaa sidoo kale lagu darajeeyey 0-3. darajaynta 0 ee su’aasha waxay sheegeysaa inay tahay awood aasaasi oo si fiican u kobocsan oo loo isticmaali karo qorshaha ka dhexgalka ama tallaabo qaadka. 1 wuxuu ku darajeeyaa sheyga inuu yahay awood faa’ido leh oo lagu dul dhisi karo qorshaha, laakin dadaal loo baahan yahay sifo logu kobciyo inuu noqdo awood aasaasi. 2 dhibac ee su’aasha micneheeda waxaa waaye in awood ama xoog la aqoonsaday laakin loo baahan yahay dadaalka xoojinta inta lagu adeegsanin qorsho. Ugu dambayn, natiijada awoodda 3 micneheeda waxaa waaye awood hadda lama go’aaminin, iyo in dadaal loo baahan yahay sifo awood loga kobciyo qaybtaasi.
Sifo aad u hesho maclumaad dheeraad: https://praedfoundation.org/tcom/tcom-tools/the-child-and-adolescent-needs-and-strengths-cans/
Maclumaadka No Wrong Door Marketplace waxaa soo xushaa Ohio School-Based Center of Excellence for Prevention & Early Intervention (Xaruunta Heer Saraynta Dugsiga ku Salaysan ee Ohio ee Ka Hortagga & Wax Ka Qabadka Hore). 513-529-2450
Reviews
There are no reviews yet.