Description
Dad badan ayaa isu micno u isticmaalaan ereyada ciriiriga nafsadda iyo walwalka sifo ay ugu tilmaamaan dareenka inay qofka uu wax awoodi la’yahay. Inkastoo ereyada ciriiriga nafsadda iyo walwalka ay sababaan calaamadaha jirka isu eg, waa muhiim inaad fahanto waxay ku kala duwan yihiin. Ciriiriga nafsadda waa falcelin keentay dhacdo dibadda, laakin walwalka waa dareen joogto oo ka imaanaayo walaaca xad dhaafka oo hoos u dhacayn dhacdo ka dib. Markaad noqonno dad wayn, waxaanu rajaynaynaa inaanu garano marxaladaha ciriiriga leh iyo habkaan sida habboon ola dhaqmi lahayn. Laakin, dhalinteena ayaa caawinaad oga baahan inay aqoonsadaan iyo kobciyaan istraatijiyada wax ka qabashada. Talooyinka xiga waxaa isticmaali karaan ardayda, waalidiinta, iyo xirfadleyaasha sifo ay uga caawiyaan dhalin yarta xagga xakamaynta walwalka.
Waalidiinta ayaa isticmaali karaan labo talo. Talada hore waxay soo jeedineysaa in waalidiinta ay kala qayb qaataan dhalintooda dhageysiga firfircoon iyagoo weydiinaayo su’aalaha sharaxa u baahan iyo ra’yi bixinta. Dhageysiga firfircoon wuxuu xaqiijiyaa in dhalintaada dareemaan in la maqlay oo na ahmiyad la siiyay dareemohooda. Blog waxay ku talisaa xeerka 3-3-3 ee ilmaha da’da yar sifo ay uga hortagaan fikradaha tirada badan, Xeerkan wuxuu kula taliyaa waalidiinta inay weydiiyaan ilmohooda inay magacaabaan saddex shey ay arki karaan, saddex dhawaaq ay maqli karaan, iyo inay dhaqdhaqaajiyaan saddex xubnood oo jirkooda. Habkan digtoonimada wuxuu u aqbalaa inay ilmaha ka qayb yeelaan dareemohooda iyo inay dhiirada saaraan xaqiiqda ay na saarin waxa walaaca gelinaayo.
Talooyinka waalidka waxaa u dheer, blog wuxuu siyaa labo talo dhalinta. Blog wuxuu usoo jeediyaa in dhalinta ku dhaqmaan istraatijiyada digtoonida oo iyaga u shaqeeya. Habab tiro yar waxay ka mid yihiin qoraalka fikradaha, ku qaadashada waqti dheeraad dibadda guriga, iyo ku dhaqanka hababka neefsashada qotoda dheer. Qaar ka mid ah hababka oo keli ayaa u shaqayn doonaan qaar ka mid dhalinta, laakin blog wuxuu dhiiro geliyaa inay isu dayaan dhawr hab sifo ay u ogaadaan midka u shaqeeyo. Talada kale ayaa ah inay toos u wajahaan xaaladda walwalka dhalinayso. Inkastoo marwalba surogal ahayn, marar qaar waxa dhici karaan xaalado ay sugitaanka ka xun tahay inaad wajahdo. Inkastoo wajahidda xaaladaha ciriiriga badan leh ay adeg tahay, hadaba intaanu wajahno ayaanu baranaynaa sida loo xakameeyo calaamadaha mustaqbalka.
Blog wuxuu talo siinayaa maclimiinta inay bartaan habka loo garto inuu wax ka qaldan yahay arday dhibaatoonaayo. Haddaa aragto inuu ardayga si ka duwan caadiga inuu ugu dhaqmaayo fasalka dhexdiisa, diiwaan ku qoro ka dib na la wadaag indha indhayntaada shaqaalaha bulshadeed ama la taliyaha hadduu walaaca kordho. Macalimiinta ayaa mudan inay eegaan calaamadaha walwalka. Waxyaabaha sida dagaalka, ka dhex bixidda kooxda asxaabta, ama hoosu dhac hal mar ah xagga waxqabadka dugsiga waxay muujin karaan inuu cunuga dugsiga dhexdiisa ku wajahaayo ciriiriga nafsadda. Abaabulka bay’adda xasiloon fasalkaada dhexdiisa ayaa sidoo kale yarayn karaa walwalka ardayga. Blog wuxuu soo jeedinayaa in nalalka aadka u iftiimin la isu dayo, muusikadda xasiloon, iyo muuqaalada neefsashada qotoda dheer iyo istraatijiyada ku xasilitaanka kursiga.
Dhanka xirfadleyaasha la shaqeeya dhalin yarta, blog wuxuu xoojinayaa baaritaanka. Aqoonsiga xiliga hore iyo ka dhexgalidda ayaa aad muhiim ugu ah dhalinta ku dhibaataysan walwalka. Blog wuxuu soo jeedinayaa ku isticmaalka macaamisha qalabka baaritaanka ee caddaynta ku salaysan sida GAD-7, SCARED, ama TELL-TALK-VENT. Intaasi waxaa dheer, isticmaalka istraatijiyada isgaarsiinta xog wareysiga dhiiro gelinta leh ayaa abaabuli bay’ad daaweyn u leh iyo u horseedi wada hadalo daacad ah ee ka dhexeeyo macaamilka iyo xirfadlaha. Dhalin yarta ayaa ka walaaci karaan sheegitaanka waxyaabaha cabsida ku dhalinaayo iyo isu dayi karaan inay calaamadaha walwalkooda. Markii la xaqiijiyo kalsoonida u dhexeysa macaamilka iyo xirfadlaha, dhalinta ayee u badan tahay inay sheegaan maclumaadka qarsoon, taasoo u horseedeyso ka dhexgalka waxtarka leh.
Maclumaadka No Wrong Door Marketplace waxaa soo xushaa Ohio School-Based Center of Excellence for Prevention & Early Intervention (Xaruunta Heer Saraynta Dugsiga ku Salaysan ee Ohio ee Ka Hortagga & Wax Ka Qabadka Hore). 513-529-2450
Reviews
There are no reviews yet.